Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xamse Barre oo Daahfuray Adeegga Isku Xirka Shirkadaha Isgaarsiinta (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa Daah-furay hirgelinta Adeegga Isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka oo suurtagelinaysa in ay is wici karaan shabakadaha teleefannada kala duwan ee ka jira gudaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta dalka in laga faa’iidaayo tartan ganacsi oo xalaala, tallaabadanina ay tahay xuquuq muwaadin iyo fursad cusub oo u abuurmeysa suuqa isgaarsiinta dalka.

Mudane Xamse oo dul istaagay muhiimadda ay leedahay in ganacsatada Soomaaliyeed ay bixiyaan canshuurta, ayaa tilmaamay in dal uusan horumar sameyn karin haddii aan muwaadiniintiisu si sax ah u bixin canshuuraha lagu horumarinaayo dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in sugidda amniga dalka ay laf-dhabar u tahay isgaarsiintu, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in shirkadaha isgaarsiintu ay qaataan doorkooda muhiimka ah ee lagu xaqiijinaayo amniga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa uga mahadceliyey Shirkadaha iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka dadaalkii ay ku bixiyeen hirgelinta Adeeggan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

War cusub oo saaka ka soo kordhay jidadkii maalmahan xirnaa ee Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

(Akhriso) Dowlada Somalia oo shaacisay Jadwalka imtixaanka dugsiyada Sare

Caydiid Ali

Maxaa looga hadlay shirka Guddi Hoosaadka Golaha Wasiiradda Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---