Dabley reer Falastiin ah oo khasaare nafeed u geystay askar ka tirsan ciidanka Israel

Laba askari oo Israa’iili ah ayaa lagu dhaawacay sida ay ciidamadu sheegeen, rasaas ay ku fureen gaari ay wateen koox hubeysan oo Falastiini ah oo ku sugnaa magaalada Huwara ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.

Jabhadda caanka ah ee Xoreynta Falastiin ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay fulisay toogashada. Ciidamada ayaa sheegay in ay ku raad joogaan dableyda weerarka fulisay.

Waxay ahayd toogashadii saddexaad ee laga soo sheegay agagaarka Huwara muddo bil gudaheed ah, taasoo sare u qaadaysa cabsida laga qabo in rabshado kale dhacaan inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Maalintii Axadda, iyadoo mas’uuliyiinta Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ay ku ballan-qaadeen kulan ka dhacay Masar si loo qaboojiyo rabshadaha, nin Falastiini ah ayaa rasaas ku furay lamaane Israa’iiliyiin ah oo ku sugnaa Huwara, isagoo dhaawacay ninka.

Nin hubeysan oo ka tirsan kooxda Xamaas ayaa laba qof oo la degganaa baabuur ku dilay isla magaaladaas intii lagu guda jiray wareegii koowaad ee wada-hadalladii xiisadda Israel iyo Falastiin bishii hore ka dhacay magaalada Aqaba.

Yuhuuda degaanka waxay ka jawaabeen weerarkaas iyagoo gubay guryo iyo baabuur Falastiiniyiin ah, iyagoo dilay ugu yaraan hal qof oo Falastiini ah.

Sanadkii la soo dhaafay, ciidamada Israel ayaa kumanaan qof ku xirxiray Daanta Galbeed, waxayna dileen in ka badan 200 oo falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan dagaalyahanno iyo rayid, halka in ka badan 40 Israa’iiliyiin ah iyo saddex Ukraine ay ku dhinteen weerarrada Falastiiniyiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -