Xaywaankii uu ka yimid Viruska COVID-19 oo baaritaan ka dib la ogaaday (Sawirro)

Saynis yahanno, ayaa sheegay iney haatan hayaan “caddaynta xaqiiqa ah” markii ugu horeysay, taasoo ah sida bini’aadamka uu ugu soo gudbay cudurka Covid19.

Cilmi baaristii ugu dambeysay ee lagu baadigoobayo asalka cudurka, iyadoo la siyaasadeeyay sababta keentay masiibadii ugu xumayd ee qarnigan soo marta, taasoo soo saartay aragtiyo dhawr ah oo kala duwan, oo aan la caddayn ama la beenin.

Falanqaynta ugu dambeysay ayaa waxay tilmaamaysaa nooc gaar ah, oo ah asalka xayawaanka ee laga yaabo inuu ka yimid fayraska.

Cilmi baaristaas, ayaa waxay ku salaysan tahay caddayn laga soo ururiyay saddex sano ka hor, Suuqa xayawaanada Duur-joogta Huanan ee ku yaalla Wuhan ee dalka Shiinaha, kaasoo had iyo jeer ahaa barta ugu muhiimsan ee la tuhmayo inuu ka dilaacay fayriska cudurka.

Horraantii sanadkii 2020-ka, markii cudurka Covid19, uu ahaa weli cudur dahsoon, Xarumaha Xakamaynta Cudurrada Shiinaha (CDC), ayaa ka sameysay baaritaan suuqa.

Macluumaadka hidda-sidaha ee ku jira dheecanada la qaaday, ayaa dhowaan looggu sameeyay si kooban dadweyne, taasina waxay u suurta gelisay koox cilmi-baarayaal ah inay go’aan ka gaaraan, iyaga oo tilmaamaya eeyaha Racoon inay yihiin “kuwa uu asal ahaan ka yimid cudurka” markaa dabadeedna uu ku faafay dadka.

Nuxurka falanqaynta ayaa ah in (DNA)-da ama Hidde Sidaha laga helay eeyaha Racoon, oo ah naasleyda duurjoogta ah, oo si toos ah loogu iibin jiray suuqa hilibka, oo markii danbe laga helay fayriska SARS CoV-2, sida lagu sheegay falanqayn lagu daabacay Online 20kii Maarso.

Laakin baadigoobka qallafsan ee lagu raadinayo halka uu ka dillaacay cudurka, iyo iyadoo uu suuqu muddo dheer xirnaa, waxii xayawaan ah oo la iibinayayna lagu dilay, weli lama hayo caddayn sugan.

Dibu dhaca saddexda sano ah ee soo saarista xogtan muhiimka ah, ayay saynis yahanadu ku tilmaameen mid fadeexad leh.

Natiijooyinka ayaa la daabacay, iyadoo ay jiraan calaamado muujinaya in aragtida daahinta shaybaadhka ay ku sii xoogaysanayso dhanka mas’uuliyiinta Maraykanka.

Dowladda Shiinaha, ayaa si adag u beenisay soo jeedinta ah in fayrasku ka yimid xarun cilmiyeed, laakiin FBI-da ayaa hadda waxay rumeysan tahay in xaaladdu ay tahay “sidii ay hore u caddeeyeen”, sidoo kale Waaxda Tamarta ee Mareykanka.

Waaxyo iyo hay’ado kala duwan oo Maraykan ah, ayaa baaray sirta, waxayna soo saareen gunaanadyo kala duwan, laakiin 1-dii Maarso agaasimaha xafiiska, ayaa ku eedeeyay Beijing “inay ku dadaalayso inay isku daydo inay fashiliso ama ay qariso sababta cudurka”, wuxuuna daaha ka qaaday FBI-da inay ku qanacday aragtida shaybaarka waqti aad u yar.”

BBC-da ayaa la hadashay qaar ka mid ah saynisyahannada ku lugta leh baaritaanka saddexda sano ah ee lagu baarayay asalka cudurka Covid19. Waxay aaminsan yihiin in falanqaynta cusubi ay noqon karto tan ugu dhow ee aan ku fahmi doono sida uu cudurku u dillaacay, iyo in kala qaybsanaanta Shiinaha iyo Galbeedka ay carqaladaynayso dadaalka sayniska ee lagu xallinayo sirta dhibaatada cudurka Covid19.

Xigasho: BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -