Allbanaadir.com
NEWS

War cusub oo saaka ka soo kordhay jidadkii maalmahan xirnaa ee Magaalada Muqdisho

Waxaa saaka dib u loo furay wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho qaarkood oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay laga xiray gaadiidka dadweynaha.

Ciidamada dowlada ayaa xiray wadooyinkan sababo la xiriira amaanka ka dib markii warar dhinaca sirdoonka ah ay sheegeen in gaadiid lagu fulinayo qaraxyo ismiidaamin ay magaalada ku jiraan.

Xirnaanshiyaha jidadka ayaa saameyn aad u xooggan ku yeelatay dadweynaha Muqdisho, waxaana adkaatay in xaafadaha qaar la isaga gudbo, iyadoo ardayda iskuulada, Jaamacadaha iyo bukaanada loo wado isbitaalada ay noqdeen dadka ugu badan ee wado xiristan ay saameysay.

Ciidamadii ku sugnaa maalmahan wadooyinka xiran ayaa xalay halkaas laga qaaday, taasoo sababtay in inta badan ay isu furmaan socodka gaadiidka u kala goosha magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com  

Related posts

RW Khayre oo xaliyey Khilaaf ka taagnaa soo xulida Xildhibaanada Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali

Isku soo bax lagu taageerayey hadalkii Antonio Guterres oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Caydiid Ali

Guddiga Doorashooyinka oo amar lagu siiyay in ay si deg deg ah Muqdisho u yimaadaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---