Mareykanka iyo Itoobiya oo mar kale isku dhacay ka dib safarkii Blinken ee Addis ababa

Itoobiya ayaa beenisay warbixin kasoo baxday Mareykanka oo ku eedeyneysay ciidamada dowladda, kuwa gobolka Amxaarada iyo ciidamada Eritrea inay dambiyo dagaal geysteen muddadadii labadii sano aheyd ee uu dagaalka ka socday gobolka Tigray.

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa waxay warbixinta Mareykanka ku tilmaantay mid daandaansi ah oo kala qeybsanaan horseedi karta.

Itoobiya waxay warbixinta ku sheegtay mid xaq darro ah oo ka baxsan xaqiiqada

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa booqashadiisii ​​ugu horreysay Isniintii ku tagay Itoobiya toddobaadkii hore, tan iyo markii heshiis nabadeed ay kala saxiixdeen bishii November ee sannadkii hore dowladda federaalka iyo fallaagada Tigray.

Blinken ayaa Isniintii sheegay in ciidamada Itoobiya, Eritrea iyo Amxaarada ay geysteen dambiyo ka dhan ah bini’aadaninimada, balse wax eedeyn ah uma uusan jeedin jabhadda (TPLF).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -