Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Xassan Shiikh oo saxiixay guddi ay soo ansixiyeen saddexda Gole ee DF

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay soojeedinta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ee magacaabista xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka  oo Kala ah:

  1. Mudane Burhaan Aadan Cumar: Gudoomiye
  2. Mudane Axmed Maxamed Jaamac; Xubin
  3. Mudane Maxamed Cabdalla Saalax; Xubin
  4. Marwo Farxiyo Muumin Cali; Xubin
  5. Mudane Maxamed Xasan Idiris; Xubin

Xubnaha Guddigan waxaa ansixiyey Golaha Shacabka ee BFS iyo Golaha Aqalka Sare ee BFS kadib soo jeedinta Golaha Wasiirada ee XFS, si waafaqsan habraaca ku xusan Dastuurka KMG ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xubnaha iyo guddoonka guddigan ay khibrad iyo aqoon durugsan u leeyihiin arrimaha dastuurka iyo caqabadaha ku xeeran dowladnimada Soomaaliyeed, waxa uuna xusay muhiimadda dhammeystirka dastuurku uu u leeyahay dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka dardar-gelinta shaqada baaxadda leh ee hortaalla iyo in ay dhaxal wanaagsan u reebaan jiilasha Soomaaliyeed, maadaama Dastuurka Federaalka Soomaaliya uu hagayo aayaha dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharax Kheyre oo Balan qaad weyn u sameeyay Haweenka Soomaaliyeed (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Wiilal Soomaali ah oo Toorey lagu dilay & Booliska London oo baaritaano wada (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Kooxda Al Shabaab oo Shaacisay in xildhibaan hore ku dileen magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---