Wasiiro , Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo kusii jeeda Baladweyn iyo Ujeedkooda oo la ogaaday

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaaraan wasiiro katirsan xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaano heer federaal iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda iyo maamulka Hirshabelle.

Masuuliyiintan ayaa la sheegay in magaalada Baledweyne iyo degmooyin kale oo katirsan gobolka Hiiraan u tagayaan dhiiro galinta ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka deegaanka ee Al Shabaab kala wareegay deegaano badan oo Hiiraan katirsan.

Sida aan wararka ku helnay wasiiradda iyo xildhibaanada ayaa sidoo kale la sheegay in abaabul ka bilaabayaan deegaano ay kasoo jeedaan oo gacanta ugu jira Al Shabaab, kuwaa ay doonayaan in guluf colaadeed lagu qaado.

Masuuliyiintan ayaa sidoo kale la sheegay in qiimeyn ku sameyn doonaan xaaladaha adag ee ka jira degmooyinka iyo deegaanada katirsan gobolka Hiiraan ee dhawwaan laga saaray dagaalyahanada Al Shabaab.

Gobolka Hiiraan waxaa ka socda guluf dagaal oo lagu qaaday deegaanadii Al Shabaab kaga sugnaayeen gobolkaasi, waxaana beelaha dega gobolka qaarkood hadda isku diyaarinayaan in ay qeyb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -