Allbanaadir.com
NEWS

Shir u dhaxeeya DFS iyo Bangiga Adduunka oo Nairobi ka furmay (Sawirro)

Wasiirka Maaliiyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bixi Imaan Cige oo ku sugan magaaalda Nairobi ee dalka Kenya ayaa shir Guddoomiyay kulan muhiim ah oo ay la yeesheen Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya iyo xubno ka tirsan xafiiska Bangiga ee dalalka Bariga Afkrika.

Shirkaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa looga arrinsaday qorsheyaasha Horumarinta ee ay Dowladda Soomaaliya ka dooneyso Bangiga Adduunka in uu maalgaliyo kadib marka ay Soomaaliya gaarto barta kama dambeysta ah ee Deyn cafinta.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo furitaanka shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha, taas oo uu ku sheegay in ay tahay hadafka koowaad ee Wasaaradda Maaliyadda.

Bangiga Adduunka waxa uu ka mid yahay saaxibada caalamka ee sida joogtada ah u taageero Dowladda Soomaaliya, Bangigu hadda waxa uu Soomaaliya ka fuliyaa mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khilaaf ka taagan Magacaabista guddiga Doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka Galmudug

Cabdi Cade

Madaxweyne Bangiyo waa weyn ku amray in maal galin ku sameeyaan Eeyaha Alabay !!

Cabdi Cade

Dad badan oo ku dhintay Goob Xaflad aroos ka socotay iyo Farxadii oo Murugo isku bedeshay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---