Guddi Saaxiibtinimo oo Guddoomiye u doortay Xildhibaan Saadaq Joon (Sawirro)

Guddiga saaxiibtinimada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Turkiga, ayaa waxay maanta iska doorteen Guddoomiye, Guddoomiye Ku xigeen iyo Xoghayaha guddiga.

Doorasho oo ka dhacday Xarunta Guddiyadda iyo Guddoonka Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa waxaa goob Joog ahaa Hab-dhowraha iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka BJFS.

XiI. Gen. Saadaq Cumar Xasan ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga,halka
Guddoomiye ku xigeenka guddiga loo doortay Senator Cabdirisaaq Maxamed Cismaan, waxaa sidoo kale loo doortay Xoghaye Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macalin.

Xubnaha la doortay ee ka kooban labada Aqal ayaa balan qaaday in ay dadaal dheer ah ku bixin doonaan sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada Baarlamaan ee Walaalaha ah.

- Advertisement -