Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxwewyne Deni oo kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya oo uu hoggaaminayo ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Kulanka dhaxmaray Madaxweynaha Puntland iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa looga hadlay Xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan xal u helida tabashooyinka la xiriira Doorashada dalka ka dhaceysa.

Labada dhinac ayaa kulankooda diirada ku saaray sida loogu baahan yahay in xal loogu helo khilaafka xiligan ka taagan doorashada iyo sidii mar kale kulan la isugu keeni lahaa Madaxda Dowlada federaalka iyo maamulka goboleedyada.

Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya ayaa bilaabay dadaalo ay xal ugu ridayaan khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya, waxa ayna sidan oo kale shalay kulan ula yeesheen Madaxweynaha Jubbaland ay kala hadleen khilaafka doorashada.

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa diiday in ay soo magacaabaan guddiga doorashada, waxa ayna labada Madaxweyne oo xulufo ah shuruudo ku xireen in deegaanadooda lagu qabto doorashada Xildhibaanada labada aqal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Abshir Bukhaari oo Xukuumada Soomaaliya ku dhaliilay hal arin oo ay ka gaabisay

Cabdi Cade

Shirkada Facebook oo gaartay Go’aan adag oo ka dhan ah Donald Trump

Cabdi Cade

Guddiga doorashooyinka heer federaal oo Mushahar la’aan ka cabanaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---