Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Muqdisho oo qabtay nin Dhibaato u geestay qof Shacab ah

Ciidanka booliiska Soomaaliya gaar ahaan qeybta gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen nin burcad ah oo lagu eedeeyay in uu dhaawacay nin shacab ah uu dhac u geesanayay.

Ninkan burcadka ah ayaa booliiska kasoo qabteen waaxda lixaad xaafada Weydoow ee Deegaanka Garasbaalley, waxaana ninkan loo taxaabay xabsiga ,iyadoona ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Saraakiisha ciidanka booliiska ayaa sheegay in baarista kaddib ninkan dhallinyarada ah ee lagu eedeeyay burcadnimada iyo dhaawaca uu geestay loo gudbin doono maxkamadaha ku shaqada leh si caddaalada loo marsiiyo.

Booliiska Soomaaliya ayaa muddooyinkan kordhiyay howlgalada ka dhanka ah kooxaha burcada ah ee dhaca iyo dhibaatooyinka kalaba u geesta dadka shacabka ee ku dhaqan xaafado katirsan Muqdisho iyo duleedkeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Xaaji Aadan Yabarow Wiish oo sheegay inuu dacwad ku soo oogayo FIFA

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo Fariin gaar ah u diray Qurba joogta Itoobiya

Cabdi Cade

C/raxmaan C/shakuur: “Ma haboona in Madaxweynuhu shacabkiisa ka naf-jeclaysto”

Caydiid Ali