Wiil Soomaali ah & askar Boolis ah oo siyaabo kala duwan loogu dilay Canada (Sawirro)

Wiil Soomaali ah ayaa lagu dilay dalka Canada kaasoo magaciisa lagu sheegay Usama Ibrahim Aadan.

Rag hubeysan oo aan la aqoonsan ayaa saaka ku hor dilay wiilkan hoygiisa xilli uu usii socday goobta shaqada sida uu sheegay Ibraahim Aadan Sagaar oo ah aabaha dhalay Usama.

Waxa uu sheegay Ibraahim in uu maqlay illaa toddobo xabbo oo rasaas ah ka dibna uu noqday qofka rasaastaasi ku dhacday wiilkiisa, isaga oo sheegay inay naftu ku jirtay marka uu goobta tagey ayna toddoba meelood oo rasaastu uga dhacday dhiig ka qulqulayey.

Dhallinta Canada ee Soomaalida ayaa badanaa ku dhinta dil lagu geysto rasaas ama toorri iyadoo arrinkan loo saariyo ka mid noqoshada iyo jiritaanka kooxaha burcadda ah ee halkaas ka jira iyo sidoo kale adeegsiga daroogada inkastoo mararka qaar qof aan ku shaqa lahayn arrimahan uu la kulmo dhibaatada ay kooxahaasi geysanayaan.

Jaaliyadda Soomaalida ee waddanka Canada ay walaac ka muujiyey dilalka loo geysto ama ay isu geystaan wiilasha Soomaalida. Shaqo la’aan haysata Soomaalida iyo isticmaalka maandooriyaha ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin dilalka dhalinyarada Soomaalida ku nool Canada.

Dhinaca kale, Laba askari oo booliska Edmonton ka tirsan ayaa la dilay iyagoo ka jawaabaya wicitaan.

“Adeegga Booliska Edmonton waxa ay ka tacsiyeynayaan dhimashada laba ka mid ah askarteeda roondada ah ee la dilay, iyagoo ka jawaabaya wicitaan goor hore oo maanta ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska Edmonton.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay arkeen dhaqdhaqaaq booliis oo muhiim ah habeenkii, oo ay ku jiraan imaatinka dhowr iyo toban sarkaal oo jooga Inglewood, oo ah xaafad ka kooban seddex dabaq oo ku taal waqooyi-bari ee magaalada, saacadihii hore ee Khamiista. Joogitaanka booliiska ayaa sii socday markii ay qorraxdu soo baxday

Ilaa hadda ma cadda sida ay dhimashadu u dhacday, Booliskana kama hadlin weli waxaana socda baaritaano kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -