Madaxweynaha dalka Mareykanka Donlad Trump, ayaa waday dedaalo uu ku doonayay in heshiis xabbad-joojin ah gaaraan dowladaha Ruushka iyo Ukraine, sidoo kale labada dhinac kawada hadlaan sidii xal loogu heli lahaa dagaalka daba dheeraaday.
Dedaalada uu waday Madaxweyne Trump waxaa kuwa aan micno laheyn ka dhigay Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin , waxa uuna Putin dharbaaxo diblumaasiyadeed ku dhuftay Trump , isaga oo meesha ka saaray doonistiisii heshiis xabbad-jiinta.
Madaxweyne Vladamir Putin oo warbaahinta la hadlay , ayaa sheegay haddii ay reer galbeelka doonayaan in la joojiyo dagaalka ka socda Ukraine, in ay dhageystaan lana hadlaan Erdogan , oo uu ku sheegay inuu yahay cidda dhalin karta dhex dhexaadin lagu guuleysan karo.
Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Ruushka ayaa dharbaaxo ku noqonaya Madaxweyne Trump oo waday dedaal Ukraine iyo Ruushka ku doonayay in xabbad-joojin dhaqangeliyaan, lamana oga waxa iska beddeli doono go’aanka Trump kaddib hadalkan kasoo yeeray Putin.
Madaxweynaha Turkiga Erdogan, ayaa ah hoggaamiye labada dal ee colaada u dhaxeyso ee Ukraine iyo Ruushka xiriiro la leh, mana saameyn xiriirka labada dal kala dhaxeeya dagaalka dhiigag badan ku daatay ee u dhaxeeya labadan dowladood.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com