Mukhtaar Roobow oo gudoomiyey shir looga hadlay arrin muhiim ah & go’aan laga soo saaray

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee XFS Mukhtaar Roobow ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlay dagaalanka Muqaadaraadka iyo waxyaabaha Maandooriya oo lagu qabtay Muqdisho

waxaa kulankaas ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Aggaasimaha Agabka iyo Daawooyinka Wasaarada Caafimaadka ee XFS iyo Culuma-udiinka Soomaaliyeed.

kulanka oo dhacay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa diirada lagu saaray sidoo loo xoojin lahaa  la dagaalanka Muqaadaraadka loona xiri lahaa goobaha lagu iibiyo iyo shaqsiyaadka ka  ganacsada.

Madaxdii iyo Culumadii kulankan ka qeyb gashay ayaa isla gartay soo saarista sharci gaar ah oo lagu ciqaabayo cid kasta oo ka ganacsata Maandooriyaha, maadaama uu halis ku yahay jiritaanka bulshada iyo xasiloonida dalka, isla markaana si dhab ah loo wajaho ololaha la dagaalanka Muqaadaraadka, iyada oo la kaashanayo Maamulka Gobolka Banaadir iyo hey’addaha Amniga.

- Advertisement -