Mid kamid ah Gabdhihii lagu afduubtay Nairobi oo lasoo bad baadiyay iyo Eedeysane la qabtay (Sawirro)

Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ay soo bad baadiyeen mid kamid ah gabdhihii Soomaaliyeed ee dhawaan laga afduubray xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

Qoraal kasoo baxay Waaxda dambi baarista dalka Kenya ee DCI-da ayaa lagu xaqiijisay in ciidamada ammaanka ay soo badbaadiyeen Xafso Maxamad Luqmaan oo kamid aheyd gabdhihii dhawaan la afduubtay.

Gabadhan lasoo bad baadiyay ayaa loogu tagay guri ku yaalla aagga loo yaqaano Matopeni ee xaafadda Kayole ee ismaamulka Nairobi, gabadhan ayaana lagu hayay guri aan indhaha u rooneyn waxaana gabadha la dhax galiyay haan biyo ah sida DCI-du sheegtay.

Waaxda dambi baarista dalka Kenya qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka gacanta kusoo dhigeen hal eedeesane oo ku lug lahaa afduubka gabadhan lasoo bad baadiyay kuwa kalana lagu daba joogo.

Gabadha lasoo bad baadiyay ee Xafsa Maxamed Luqmaan ayaa dhawaan muuqaalkeeda oo dhaawacyo wajiga ah ka muuqdaan lagu baahiyay baraha bulshada, waxa ayna kooxda gabadhan afduubatay dalbatay lacag madax furasho ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -