Madaxweyne dal Carbeed oo shuruud ku xiray inuu la kulmo dhigiisa Erdogan

Madaxweynaha dalka Syria,  Bashaar Xaafid Al-Asad oo Wareysi khaas ah siiyey Wakaalladaha Wararka Raashiya ee RIA ayaa shuruud ku xiray kulan inuu ka qeyb galo kulan uu Madaxweyne Putin ku heshiisiinayo labada Madaxweyne ee dalalka Türkiye iyo Syria.

Wareysiga oo maanta oo Khamiis ah la soo daabacay  waxa uu Bashaar Al-asad ku sheegay inuu Madaxweyne Erdoğan la kulmi doono haddii uu Ciidankiisa kala baxo Waqooyiga Syria iyo in xaalladu noqoto ka hor inta uusan dillaacin Dagaalkii Syria bishii March 15-dii ee sanadkii 2011-kii.

“Kulan kasta waxa uu ku xiriirsan yahay gaarista Qoddobkaasi, markaas ay Türkiye diyaar tahay” ayuu yiri Al Asad oo Wareysigan  bixiyey hal maalin kadib, markii uu dhigiisa dalka Raashiya,  Vladimir Putin kula kulmay magaalladda Moscow.

Hoggaamiyaha Syria oo Talaadadii booqasho ku tegay moscow, waxa uu Wareysiga uu siiyey Wakaallada Wararka dowladda Raashiya ee RIA-Novosti waxa uu Dowladda Türkiye ka codsaday inay soo gebegebeeyaan waxa uu ugu yeeray Taageerada Argagixisada iyo in Ciiddanka dalka Türkiye laga wada daad-gureeyo gudaha Syria, Taageerada Kooxaha Hubaysan ee gacanta ku haya Goballo ku yaalla Waqooyiga dalkaasi.

Bashaar Xaafid Al-Asad waxa kale oo uu Dowladda Türkiye ka dalbaday inay joojiyaan Mucaaradka ay ku yihiin Dowladda Syria.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay inay arrintan tahay dhabaha keliya ee uu Kulan kula yeelan karo Madaxweyne Erdoğan.

Wareysiga waxa kale oo uu isku weydiiyey Muhiimada uu leeyahay nooc kasta oo Kulan uu la yeesheen Erdoğan,  haddii aysan horjeedo Karin in la soo gebegebeeyey Dagaalka ka socda dalkiisa Syria.

Si kastaba, Wareysiga uu Madaxweynaha dalka Syria ku soo bandhigay Shuruuda uu kula kulmi karo Madaxweynaha dalka Türkiye waxay ku soo beegantay iyadoo ay Dibloomaasiyiin ka kala socda dalalka Raashiya, Türkiye, Iran iyo Syria lagu wado inay Toddobaadkan Kulan ku yeeshaan magaalladda Moscow oo looga hadlayo dhexdhexaadin Dowladaha Syria iyo Türkiye.

 

- Advertisement -