(Sawirro) Xukun lagu riday Nin lagu helay inuu dilay hooyadiis, ka dibna cunay jirkeedii

Nin u dhashey dalka Spain, ayaa lagu xukumay 15 sano oo xarig ah, ka gadaal markii lagu helay inuu diley hooyadii, ka dibna uu cuney.

Alberto Sanchez Gomez, oo ah 28 sano jir, ayaa la xirey sannadkii 2019-kii, markii ciidanka booliisku ay ka heleen qeybo ka mid ah jirka hooyadii meel u dhaw gurigeeda, qaarkoodna ay ku jireen bac.

Maxkamad ayaa diiday dood uu soo gudbiyey Sanchez, taas oo ah inuu isku dhax yaac iyo qulub uu qaadey xiligii uu dilka ku kacey.

Haatan waxaa lagu xukumay 15 sano oo xarig ah, iyo shan bilood oo uu u sii xirnaanayo ku xad gudbidda jirka meydka hooyadii.

Booliiska ayaa yimid isla guriga, oo ku yaalla bariga Madrid, bishii February sannadkii 2019-kii, ka dib markii qof la ah qoyska saaxiib uu su’aal ka keenay badqabka Maria Soledad Gomez, taas oo ku jirtay da’da lixdameeyo.

Sanchez oo xiligaa ahaa 26 sano jir, wuxuu la murmay hooyadii, isagoo markaa ka dibna ceejiiyey. Warbaahinta Spain ayaa sheegeysa in booliisku ay ogaayeen in ninkani marar badan hooyadii ay isku dhaceen, ka hor intuusan dilin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -