Mareykanka oo Digniin kasoo saaray Weeraro ka dhici kara Muqdisho iyo Goobaha ay…

Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniin amni oo ku socda muwaadiniintooda ku sugan magaalada Muqdisho, waxa ayna sheegeen in magaalada ka dhici karaan weeraro qaraxyo ah ay geestaan kooxda Al Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in weeraro argagaxiso oo loo adeegsado baabuur qaraxyo laga soo buuxiyay iyo kuwa toos ah ka dhici karaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Dekadda Muqdisho.

Mareykanka ayaa sidoo kale muwaadiniintiisa uga digay in ay tagaan goobaha ay dadka isugu yimaadaan sida hoteelada iyo goobaha lagu caweeyo iyo sidoo kale xarumaha dowladda ee la bartilmaameedsan karo.

Digniintan Mareykanka soo saaray ayaa darajadeeda la gaarsiiyay level 4, waxa ayna Mareykanka sheegeen in digniintan ay tahay mid khatarteeda leh loogana baahan yahay muwaadiniintooda in ay sameeyaan taxadr dheeraad ah.

Muwaadiniinta Mareykanka ee jooga meelaha ka baxsan Soomaaliya ayaa sidoo kale looga digay in ay safarro ku tagaan magaalada Muqdisho, mana sheegin Mareykanka waqtiga suurto galka ah ay dhici karaan weeraradan.

Dowladda Mareykanka ayaa marar badan sidaan oo kale usoo saartay digniino amni oo ku socda muwaadiniintoda jooga magaalada Muqdisho, digniinahan ayaana walaac ku abuura ajaaniibta ku sugan Muqdisho iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -