Buundo cusub oo laga hirgelinayo Muqdisho & Madaale oo dhagax dhigay (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay mashruuc Buundo loogu dhisayo waddada 21-ka Oktoobar ee degmada Waaberi.

Waxaa dhagax dhigaasi goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Gobolka Banaadir iyo Cabdirashiid Caynaanshe oo ka mid ah Guddiga Fulinta Shirka Hormuud.

Mashruucan oo ay fulineyso Shirkada Hormuud telecom ayaa ah mid ay baahi weyn u qabeen bulshada isticmaasha waddadaasi gaar ahaan Ardayda dhigata School-ka 21-October kuwaasoo qatar kala kulma Gaadiidka isticmaala Wadadan.

Guddoomiyaha degmada Waaberi ayaa sheegay in dhismaha buundadani ay baahi weyn u qabeen shacabka degmada Waaberi, ayna wax badan ka tari doonto badqabka shacabka iyo ardayda isticmaala wadadaas.

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)  ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu ahmiyad gaar ah siinayo fulinta adeegyada aas aasiga ah ee bulshada caasimadda.

Dhowaan ayey aheyd markii sidan oo kale la dhagax dhigay Buundo tan la mid ah oo laga hirgelinayo wadada Ceel-qalaw oo ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -