Jubbaland oo War ka soo saartay qaraxii ka dhacay deg. Baardheere (Sawirro)

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka koowaad ee Dowlada Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyey Shirka Bilaha ee  Amniga Jubbaland kaasoo lagu qabtay magaalada Kismaayo

Shirkan waxaa kasoo qeyb Galay Xubno ka tirsan  Golaha Wasiirada Jubbaland, saraakiisha ciidamada kala duwan ee Jubbaland, Xooga dalka iyo Saraakiil ka socotay  howlgalka ATMIS.

Waxaa shirkan diirada lagu saaray howlgaladii u dambeeyay ee Ciidamada kala duwan ay sameeyeen iyadoo warbixino lagaga dhagaystay Taliyayaasha Ciidamada.

Shirkan ayaa looga tacsiyeeyay Dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii  ay Al-shabaab ka geesteen degmada Baardheere ee Gobolka Gado.

Guddoomiyihii gobolka Gedo Axmed Buulle Garayd ‘Canjeex’ iyo amaanduulihii qaybta 43aad ee millatariga Soomaaliya Axmed Cabdillaahi Xirsi ‘Labaale, ayaa ku dhaawacmay weerar qarax oo baabuur loo adeegsaday, waxaan ku dhintay weerarkaasi qaar ka mid ah illaaladoodii.

Weerarkaan qarax ayaa ka dhacay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, gaar ahaan guriga martida ee degmadaasi oo ay degganaayeen madaxda la weeraray.

Dhaawaca masuuliyiintaasi dawladeed ayaa loo qaaday magaalada Muqdisho, waxaana la tilmaamayaa in aysan ahayn dhaawacyo culus marka lagu cabbiro baaxadda weerarka qarax ee goobtaasi lagu qaaday oo ahaa mid baabuur.

Gurigaasi martida ee madaxa heer gobol iyo kuwa dawladda federaalku  shirsanaayeen waxaa kale oo joogay madax heer degmo ah iyo masuuliyiin siyaadadeed oo hore oo uu ka mid yahay Cabdirashiid Janan oo ahaa wasiirkii hore ee amniga Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -