Madaxweyne Biixi: “Waa qasab inaynu doorasho galna sanadkan gudihiisa”

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in qorshaha labaad ee maamulkiisa uu yahay sanadkan in la qanto doorashooyinka

Qorshaha labaad ee sannadkan  ayuu Madaxweynuhu ku sheegay inuu yahay sidii dalka loo qaban lahaa doorasho, isaga oo xusay in hawsha cayimaadda doorashada ay iska leeyihiin guddida doorashooyinka.

“Qorshaheenu wuxu ahaa sannadkani inuu sannadkii doorashooyinka noqdo, dalkuna haddaanu doorasho gelin socon maayo oo distoorkeennaa dhigaya, dooorashooyinkana waxa inoogu xilsaaran guddi, iyagaynu uga fadhinaa muddadii iyo jidkii la mari lahaa, waana qasab inaynu doorasho galnaa,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu si cad u sheegay in waqtigii sharcigaa ahaa saddexda xisbi qaran dhammaaday, ururrada soo baxayna u baahan yihiin inay galaan tartankii ay xisbiyo ku noqon lahaayeen, taasna laga sugayo guddida doorashooyinka

“Waxaynu ku jirnaa saddexdii xisbi qaran oo waqtigoodii dhacay oo aan doorasho geli karin illaa iyaga dib loo doorto, waxa halkaas taagan toban urur oo shahaado loo siiyey inay u tartamaan inay xisbiyo qaran noqdaan, waxaynu u baahanahay inaynu degdeg guddida doorashada uga codsanno inay inoo sameeyaan qorshe iyo waqti oo xisbiyadii iyo ururradu doorashada galaan oo ay soo baxaan saddex xisbi qaran, mana jiro xisbi odhan kara anigu xisbi baan ahay oo la tartami maayo ururrrada.”ayuu yiri Muuse Muuse Biixi.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyey munaasibad lagu daah-furayey qorshaha saddexaad ee horumarinta qaranka, ayaa sheegay in arrinta Laascaanood safka hore kaga jirto qorshayaasha xukuumadda muhiimka u ah sannadkan, xukuumad ahaanna ay xil weyn iska saareen soo afjariddeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -