Mareykanka oo si adag uga hadlay Xukunka lagu riday Duqa magaalada Istanbuul

Dowladda Mareykanka ayaa si weyn uga soo horjeesatay xukun maxkamad kutaalla dalka Turkiga ku riday duqa magaalada Istanbuul Ekrem Imamoglu, oo katirsan hoggaamiyaasha mucaaradka ugu weyn ee dalka Turkiga.

Qoraal kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay aad uga naxday ugana niyad jabtay xukunka xabsiga ah iyo xayiraada siyaasadeed ee maxkamadda kutaalla Turkiga ku riday Ekrem Imamoglu.

“Dowladda Maraykanka aad ayey u dhibtay, ugana niyadjabtay xukunka ay Maxkamad Turkish ah ku ridday duqa magaalada Istanbul Ekrem Imamoglu, oo lagu xukumay laba sano iyo toddoba bilood oo xarig ah, lagana mamnuucay dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed,” ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday Turkiga in ay dhoorto xaquuqda hadalka iyo aragtida , Mareykanka ayaa sidoo kale ka codsaday dowladda Turkiga inay joojiso dacwadaha lagu fuliyo shuruucda dambiyada aflagaaddada.

Siyaasigan mucaaradka oo doorashadii Duqa Istanbuul uga guuleestay musharax taageero ka helayay Erdogan ayaa dhaleeceyn iyo aflagaado u geestay masuuliyiin katirsan dowladda Turkiga, taa oo keentay in hadda xukun adag oo xabsi iyo xayiraad ah lagu rido.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -