Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Milatariga Soomaaliya oo sheegay in ay dileen Saraakiil katirsan Al Shabaab

Wararka ka imaanaya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidanka Milatariga Soomaaliya howlgalo ay ka sameeyeen deegaano kuyaala duleedka magaalada Kismaayo ku dileen xubno katirsan Al Shabaab.

Abaandullaha qeybta 43Aad ee ciidanka xoogga dalka G/sare Maxamed Buule oo la hadlay Idaacada Codka ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in howlgalo ay ka fuliyeen ciidankooda deegaanada Muuse Xaajiyo iyo Araare ku dileen saraakiil katirsan Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Abaanduulaha in ciidanka Milatariga howlgalka intii uu socday ay dileen afar sargaal oo katirsan Al Shabaab iyo sidoo kale todobo dagaalyahan, waxa uuna intaa ku daray in ay ka qabsadeen labo gaari oo nuuca dagaalka ah.

Al Shabaab ayaan ka hadlin warkan kasoo baxay Milatariga Soomaaliya oo ku aadan in howlgal looga dilay saraakiil iyo dagaalyahano kooxdooda katirsanaa sidoo kale laga qabsaday gaadiid dagaal.

Ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa mudooyinkii dambe howlgalo ka waday deegaano dhaca duleedka magaalada Kismaayo ay ku xooganaayeen dagaalyahanada Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi oo deg deg ula kulmay Masuuliyiin iyo Odayaal kasoo jeeda Awdal

Cabdi Cade

Gudoomiye Amiir oo u mahad celiyey danjire Ammar Babiker

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo arrimo muhiim ah kala hadlay Kate Foste (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---