Casho Sharaf Muqdisho loogu sameeyay Wafdi ka socda dowlada Eritrea (Daawo Sawirada)

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa munaasabad casho sharaf ah ugu sameeyey xarunta Dawladda Hoose wafdiga dalka Eritrea ee uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Mudane Cismaan Maxamed Saalax.

Marti sharafkan oo ay goob jog ka ahaayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Guuleed, ayaa qaar ka mid ah kooxo faneedka qaranku waxa ay u soo bandhigeen wafdiga dalka Eritrea suugaan ka tarjumeysa hiddaha iyo dhaqanka soojireenka ah ee shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyey taariikhda magaalada Muqdisho ay u leedahay soo dhaweynta iyo marti gelinta Madaxda caalamiga ah ee booqashada ku yimaada Soomaaliya, isagoona sheegay in munaasabaddan ay ka tarjumeyso dib-u-kabashada dalka iyo sida uu u soo kobcayo amniga Caasimadda.

“Magaalada Muqdisho waxa ay astaan u tahay dawladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaiyeed. Dhammaanteen waxaan xasuusannahay sida ay ugu soo hiran jireen Madaxda Afrika iyo guud ahaan caalamka, maantana waxaa muuqata ifafaallo ku saabsan in maqaamkaasi uu u soo laabanayo caasimadda.”

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Eritrea Mudane Cismaan Maxamed Saalax ayaa uga mahad celiyey Duqa Caasimadda soo dhaweynta sare ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna sheegay in uu ku faraxsan yahay sida ay Soomaaliya uga soo kabaneyso bur burkii ku dhacay.

Sidoo kale, Wasiirka dalka Eritrea ayaa tilmaamay xiriirka ka dhaxeeya labada shacab iyo sida ay dhaqan wadaagta u yihiin, isagoo u rajeeyey shacabka Soomaaliyeed horumar iyo barwaqo.

Munaasabaddan marti sharafeedka ah waxaa ka soo qeyb galay, Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dibadda, Cadaallada, Qorsheynta, Shaqada iyo Shaqaalaha, Gaadiidka, Gargaarka iyo Musiibooyinka Dabiiciga ah,Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasiirka Waxbarashada, Wasiiru Dawleyaal, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka, Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida, Guddoomiyeyaasha heer degmo iyo heer Gobol ee Banaadir iyo marti-sharaf kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -