Dowlada Turkiga oo sii daaysay Askar u dhalatay dalka Gariiga

Dowlada Turkiga ayaa xuriyadooda dib u siisay labo askari oo u dhalaty dalka Gariiga oo mudo shan bilood ah ku xirnaa gudaha Turkiga, kadib markii askartaasi si sharci daro ah uga soo gudbeen xadka Turkiga.

Maxkamad ku taal magaalada Ankara ayaa amartay in lasii daayo labadan askari ee u dhalatay dalka Gariiga, waxaana shalay labadan askari la geeyay  magaalada Thessaloniki ee dalka Gariiga.

Askartan lasii daayay ayaa sheegay in si aan ku tala gal aheyn uga soo gudbeen xadka dalka Turkiga xiligaas ay kudaba jireen dad doonayay in si sharci daro ah kusoo galaan dalka Gariiga.

Xariga dowlada Turkiga u geesatay labadan askari ayaa sii xumeeysay xiriirkii kala dhaxeeyay dalka Gariiga oo kawada tirsan yihiin Gaashaan buurta NATO, waxa ayna Turkiga askartan ay xirtay ku tuhuntay in ay ahaayeen basaasiin.

Ra’iisal wasaaraha Giriigga, Alexis Tsipras, ayaa si weyn usoo dhaweeyay sii deysmada labadan askari, waxa uuna tilmaamay in cadaalada ay guuleesatay kuna faraxsan yahay askartan in iyaga oo bad qaba dalkooda kusoo laabtaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -