Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Kheyre oo maanta booqasho ku tagaya mid kamid ah xarumaha maamul goboleedyada

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo masuuliyiin katirsan labada Golle ee dowlada ayaa maanta lagu wadaa in ay tagaan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.

Qaban qaabada soo dhaweynta Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa saakay si weyn looga dareemayaa magaalada Jowhar, waxaana  la adkeeyay amaanka Jowhar gaar ahaan goobaha uu booqan doono R/Wasaaraha.

Sida aan Wararka ku heleyno Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa xariga ka jari doono mashaariic kala duwan oo laga fulinayo Jowhar, waxa uu sidoo kale Kheyre la kulmi doonaa Madaxda maamulka Hirshabelle.

Dowlada Soomaaliya ayaa hada xiriir la leh maamulka Hirshabelle oo kaliya marka loo eego maamul goboleedyada kale, afarta maamul kale ee dalka ka jira ayaa joojiyay wada shaqeyntii iyo xiriirkii ay la lahaayeen dowlada Federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska oo Faah Faahin ka bixiyay Qaraxii Ismiidaaminta ee lagu weeraray Hotel kuyaala Liido

Cabdi Cade

Wasiir soo badhigay saddex qodob oo Masiirka dadka Soomaaliyeed ku xiran tahay

Cabdi Cade

Xaaladda halista ah ee Soomaaliya gashay iyo Sida looga bad baadi karo !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---