Taksiile $50,000 oo Dollar wadada ka helay oo qaaday talaabo dad badan ka yaabisay

Wiil taksiile ka ah dalka Liberia ayaa si weyn loogu ammaanay tallaabo uu qaaday kadib markii lacag gaareysa $50,000 oo Dollar uu waddo ka helay dib ugu celiyay qofkii iska lahaa oo uu raadiyay.

Lacagta waxay ka luntay nin ganacsade ka ah dalkaas oo iska ku howlanaa raadinta lacagtaas

Emmanuel Tolue wuxuu sheegay in lacagta oo ku jirtay boorso uu ka helay waddo isla markaana uu raadiyay qofkii lahaa oo uu ka baahiyay Raadiyo maxalli ah.

Musu Yancy markii ay heshay lacagteedi, waxay wiilkii yaraa ku abaalmarisay $1,500 doolar. Dadka reer Liberia ayaa si weyn u hadal hayaa dhacdadan maadaama ay wiilka uu qaaday tallaabo naadir ah oo dad badan ka yaabisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -