Askari Ilaalo u ahaa Wasiir katirsan Dowladda oo dil geestay iyo Duqa Muqdisho oo ka hadlay

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay askari katirsanaa ciidanka dowladda ,kaa oo nin shacab ah oo darawal mooto bajaaj ahaa shalay ku dilay isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa sheegay in xabsiga ku xiran yahay askariga dilka u geestay Bajaajlaha, waxa uuna xusay in askarigaasi ilaalo u ahaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in xabsiga ku jiraan askartii ugu dambeesay ee dilalka geestay ay ku jiraan kuwii ku sugnaa isgooska Siinay ee Muqdisho, waxa uuna xusay in dhammaan askartaasi sharciga la horgeyn doono.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay dilal aragagax badan abuuray ugu geestay magaalada Muqdisho dad shacab ah, waxa ayna falalka ciidanka kordhiyeen ammaan darida caasimadda ka jirta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -