Feysal Waraabe oo sheegay in dagaalka Laascaanood ay wadaan xulufadii Siyaad Barre

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay dagaalka in ka badan 20-maalmood ka socda magaalada Laascaanood ee sababay kharaaha badan ee isugu jira dhimashada iyo dhaawaca.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidamo kale oo taabacsan dadka deegaanka Laascaanood, kuwaa oo ka gadooday dilal iyo arxan darro ay kala kulmeen ciidamada Somaliland.

Feysal Waraabe ayaa sheegay in dagaalka Laascaanood ee dhibaatada badan keenay uu sabab u ahaa madaxweyne Muuse Biixi, waxa uuna xusay in Biixi in is hortaag ku sameeyay dad si nabad galyo ah u bannaan baxayay si ay dareenkooda u muujiyaan.

“Qalalaasihii ka dhashay arxan darradii Muuse Biixi ee ka dhan ka ahayd dadkii rayidka ahaa ee bannaan baxayey waxa ay isu beddeshey dagaal xaaraan ah oo looga soo horjeedo jiritaanka Somaliland oo ay wadaan xulufadii keligii taliyihii Siyaad-barre.” ayuu Faysal Cali Waraabe.

Dagaalka Laascaanood ka socda ayaa sababay in ciidamada maamulka Somaliland dagaal looga saaro magaaladaasi, waxa uu sidoo kale dagaalka sababay khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac soo gaaray labada ciidan iyo dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -