Ahmed Tinubu oo loo doortay Madaxweynaha Nageria ballanqaadyo cajiib ahna sameeyay

Shacabka Nageria ayaa doortay madaxweynahooda cusub ee hoggaamin doona, waxaana doorasho xamaasad leh oo u dhaxeysay saddex musharx ugu dambeyn ku guuleestay Bola Ahmed Adekunle Tinubu oo 70 jir ah.

Madaxweynaha cusub ee loo doortay dalka Nageria ayaa ka socday xisbiga talada haya ee Nigeria, waxa uuna horey usoo noqday madaxweynaha la doortay guddoomiyihii hore ee gobolka Lagos, waxa uu sidoo kale soo qabtay xilal kala duwan.

Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka (INEC) ayaa sheegay in Tinubu uu helay 8.79 milyan oo cod, isagoo ka hormaray musharaxa mucaaradka ugu weyn ee Atiku Abubakar oo helay 6.98 milyan oo cod, halka Peter Obi, oo taageero ka helayay codbixiyayaasha da’da yar, uu helay 6.1 milyan oo cod.

Madaxweynaha la doortay ayaa si weyn ugu mahad-celiyay taageerayasahiisa sababta u ahaa guusha uu gaaray, waxa uuna u ballan-qaaday shacabka dalka Nageria in uu u noqon doono u adeega wax badan u qabta dadka iyo dalka.

“Waan idinla shaqayn doonaa,waxaan noqon doonaa adeegihiina wax badan idin qabta waxaana dalkayga Nigeria dhigi doonaa dal weyn oo sumacad leh , sidaad ii doorateen ayaana ane idinkugu adeegi doonaa” ayuu yiri madaxweynaha la doortay ee Nageria.

Madaxweynaha la doortay ee dalka Nigeria, Bola Ahmed Tinubu waxa uu dhashay bishii March 19-dii ee sanadkii 1952-kii, waxa uu ka qalin jebiyey Jaamacadda Chicago State University ee dalka Maraykanka, isagoo bartay Cilmiga Xisaabaadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -