Labo Nin oo lagu soo qabtay dagaal ka dhacay Dayniile oo xukun lagu riday (Sawirro)

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku riday labo xubnood oo lagu helay in ay katirsanaayeen Al Shabaab ,kuwaa oo dhamaadka sanadkii hore lagu qabtay dagaal ka dhacay Duleedka Dayniile.

Xasan Cabdi Aadan Nuur & Cumar Xuseen Abshir Jaabir ayaa maxkamada ciidamada qalabka sida ku heshay in ay katirsanaayeen Al Shabaab, waxa ayna Maxkamada sheegtay in Xasan ahaa sargaal katirsan Al Shabaab halka uu Cumarna darawal u ahaa.

Labadan nin ee katirsanaa Al Shabaab ayaa xili habeen ah iyaga oo dhaawac ah laga soo qabtay duleedka degmada Dayniile kadib weerar ay kusoo qaadeen fariisimo ciidanka milatariga Soomaaliya halkaasi ku lahaayeen.

Xeer Ilaalinta Maxkamada ayaa sheegay in Xasan Cabdi Aadan Nuur uu ahaa madixii Maaliyadda degmada Balcad u qaabilsanaa  Alshaaab, waxa ayna Maxkamada sheegtay in njinkan qirtay in uu caawiyay ragii weerarka ku qaaday Dayniile.

Cumar oo isaga wada Mooto u ahaa Xasan ayaa isna Maxkamadda ka hor sheegay in uu ahaa nin iskiis isaga xamaasho laakiin Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa labada Shaqsi kuwada Eedeeyay in ay qayb ka ahaayeen weerar ay Al shabaab ku qaadeen Dayniile.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalab Sida ayaa Maxkamadda u sheegay in ay labada Eedeysane wada ahaayeen Gurmad laakiin ciidamada ay u geysteen dhaawac Naafeen ah.

Qareennada u dooday labada Eedeysane ayaa iyagana Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto maadaama labada eedeysane ay  u aheyd howlgalkii ugu horreeyay ee dagaal oo ay kawada qayb galeen isla markaan uu dhaawaca ka soo gaaray labadaba.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida oo soo xiray fadhiga Maxkamadda ayaa Xasan Cabdi Aadan Nuur iyo Cumar Xuseen Abshir Jaabir kuwada xukumay Xabsi daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda, waxa uuna cadeeyay in xukunkan racfaan ka qaadan karaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -