Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dal kale oo wafdi u diray Somaliland iyo Madaxweyne Biixi oo qaabilay (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Xisbiga ANC ee haya talada dalka Koonfur Afrika oo uu hoggaaminayo Mr. Mhlekwa Nxumalo oo ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga ANC.

Waxaa madaxweynaha kulankaas ku wehelinaayey wasiirrada Arrimaha dibeda, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga kulmiye, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere).

Wafdiga ayaa ka koobnaa

  1. Mr Abner Mosaase
  2. Mr. Malose Ramashala
  3. Mr Allen Magumbi

Maamulka Somaliland faahfaafin kama bixin waxyaabaha ay ka wada hadleen Muuse Biixi iyo wafdiga ka socday dalka Koonfur Afrika.

Wufuuda ka socda dalalka Afrika qaarkood ee booqanaya Somaliland ayaa mudooyinkan sii kordhayey, maalmo ka hor ayeyna markii uu magaalada Hargeysa uu booqday wafdi uu horkacayey wasiirka arrimaha dibeda ee dalka Malawi.

Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Qoorqoor iyo danjireyaasha reer galbeedka u fadhiya Somalia?

Caydiid Ali

Madaxweyne Rajab Erdogan oo shaaciyay War ka farxiyay Shacabka dalkaasi 

Cabdi Cade

Booliis soo badbaadiyay dad muhaajiriin qaaqaawan oo guri lagu heestay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---