Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo si weyn loogu soo dhaweeyay Jalalaqsi (Sawirro)

Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta soo gaaray degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan.

Safarka shaqo waxaa ku wehlinayay Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Xubno Fulinta iyo sharci-dejinta Dowladda Hirshabeelle, Guddoomiyayaasha Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, Saraakiisha ciidamada qalabka sida, Fannaaniin iyo Suxufiyiin.

Maammulka Degmada Jalalaqsi oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Nuur Dheere ayaa banaanka magaalada uga hortagay wafdiga Madaxweynaha iyagoo u soo galbiyay magaalada.

“Shacabka Jalalaqsi biseyl Dowladdeed ayaa ka muuqdo waana ku ammaanayaa nabad-galyada sida ay u xaqiijiyaen. Garabkiina ayaa nahay guulleysta reer Jalalaqsi.”

Gunaanud Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay shacabka degmada Jalalaqsi maamuuskii iyo milgaha ay kusoo dhaweeyeen.

 

Related posts

Go’aanno dhowr ah oo kasoo baxay shir amniga Amniga Somaliland looga hadlayay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo ammar deg deg ah kasoo saaray dil ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

(Sawirro) Rooble oo kulan la leh Qoor-qoor, Guudlaawe, Musharaxiin iyo siyaasyiin kale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---