Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Deegaanka Gugulethu iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo burcad hubeesan oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa wiil dhallinyaro Soomaaliyeed ah ku dilay goob ganacsi oo ku sugnaa, dilkan ayaana ka dhacay deegaanka Gugulethu oo katirsan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Sida aan wararka ku helnay muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilay oo lagu magacaabayay Cabdalla Nuuradiin ayaa loogu galay dukaan uu ku sugnaa kaligiis, waxa ayna burcada hubeesan ku dhufteen dhoor xabadood, iyagoona dilka kaddib dukaanka dhac ka geestay.

Ciidamo katirsan booliska magalada Cape town oo gaaray dukaanka lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sheegaya in ay baarayan dhacdada dilka ah, waxa ayna sheegeen in caddaalada la horkeeni doono kooxdii dilka ka dambeesay.

Dalka Koonfur Afrika ayaa si joogto ah waxaa loogu dlaa muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalkaasi nolol u raadsaday, mana jirto inta badan cid soo qabata oo caddaaladana horgeysa kooxaha burcada ah ee beegsata Somaalida dalkaasi lagu dilo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka qaldan heshiiska Shidaalka ee Turkiga & Somalia?

Caydiid Ali

Aadan Madoobe oo Digniin adag u diray qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka

Cabdi Cade

QM, Midowga Yurub iyo Britain oo fariimo u diray Raisul Wasaaraha cusub ee Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---