Aadan Madoobe oo Digniin adag u diray qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka

Waxaa maanta kooram la’aan u baaqday kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, kulankan ayaana ajandihiisu ahaa qeybtinta sharciga hay’adda Nabbad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka.

Xarunta golaha shacabka ayaa waxaa soo gaaray tiro xildhibaano ah oon dhameyn kooramkii uu kulanka ku furmi lahaa, waxaana markii dambe guddoomiyaha golaha shacabka shaaciyay in kulanka u baaqday kooram la’aan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka , Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa kulanka markuu baaqday kaddib hadlay ayaa digniin adag u diray xildhibaanada aan kasoo qeyb gelin fadhiyada baarlamaanka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay maqnaashaha badan ee xildhibaanada golaha shacabka ay curyaamineyso shaqadii looga fadhiyay xildhibaanada, waxa uuna ugu baaqay xildhibaanada in ay gutaan waajibaadkooda kana soo qeyb galaan kulamada baarlamaanka

“Sidaan haddii uu kusii socdo Baarlamaanka ma shaqeyn karno. Xildhibaanada waxaan u sheegayaan inay ka waantoobaan inay ka maqnaadaan shaqada, ma’aha in sharciga innoo yaallo lagu ciyaaro, waxaana dirayaan farriintii u dambeysay,” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Kulamada baarlamaanka ayaa marar badan sidaan oo kale kooram la’aan u baaqday, xildhibaanada golaha shacabka ayaana qaarkood dibadda ku maqan yihiin, halka kuwa kalana ay katirsan yihiin xukuumadda oo ay uga mashquuleen shaqadii baarlamaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -