Turkiga oo shaaciyay in Howlgal ku dileen maskaxdii ka dambeesay Weerarkii Istanbuul

Ciidamada sirdoonka dalka Turkiga ayaa howlgal qorsheesan oo ay ka fuliyeen gudaha dalka Syria waxa ay ku dileen nin lagu eedeeyay in uu ahaa maskaxdii ka dambeesay qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Istanbuul .

War kasoo baxay sirdoonka Turkiga ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheesan ay ka fuliyeen magaalada Qamishli ku dileen Halil Menci, oo Turkiga ku sheegeen in uu ahaa maskaxdii ka dambaysay qaraxyadii ka dhacay Istanbul  November 13-keedii 2022.

Ninkan Turkiga weerar dhinaca cirka ah ku dileen oo ahaa shakhsi caan ku ah, dhinaca tahriibinta dadka la geeyo Turkiga ayaa hore isaga fogeeyey eedaha ku aadan in uu qaraxa maleegay, waxa uu sidoo kale beeniyay in Turkiga geeyay gabadhii qaraxyada fulisay.

Ciidamada Turkiga ayaana gacanta ku dhigay haweeney lagu magacaabayay Ahlam Albashir oo kasoo muuqatay kaamirada CCYV iyada oo boorsooyinka qaraxyada ku jireen dhigeysa goob mashquul badan oo katirsan magaalada Istanbuul.

Qarixii bishii November 13-dii ee sanadkii hore ka dhacay dhabaha Istikhlaal ee magaalladda Istanbul waxaa ku dhintay 6 qof oo rayid ah ay ku jireen carruur, waxaana ku dhaawacmay dad kale oo aad u badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -