QM, Midowga Yurub iyo Britain oo fariimo u diray Raisul Wasaaraha cusub ee Somalia

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka hadlay talaabadadii uu maanta golaha shacabka codka kalsoonida ku siiyey Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal ah oo lagu daabacay bogga xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhoweeyey ansixinta RW cusub, iyadoo sidoo kale loogu hambalyeeyey xilka cusub ee loo magacaabay.

“Bahda Qaramada Midoobay ayaa hambalyo diiran u diraysa Maxamed Xuseen Rooble oo si rasmi ah u xaqiijiyay inuu yahay Ra’iiusl Wasaaraha Soomaaliya, waxayna u rajaynayaan guul xilli uu bilaabayo doorkiisa hoggaamineed ee muhiimka ah waqtigan xasaasiga u ah Soomaaliya, waxayna Qaramada Midoobay ballan qaaddaysaa inay garab istaagayso, iskaashina la samaynayso Ra’iisul Wasaaraha cusub”.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iiusl Wasaaraha Soomaaliya oo maanta la horgeeyey Baarlamanka Somalia ayaa xildhibaanada golaha shacabka ka helay codka kalsoonida, waxaana laga sugayaa golihiisa cusub ee Wasiirada oo shaqeyn doona muddada lagu jiro xiliga kala guurka.

Sidoo kale, danjireyaasha Somalia u fadhiya Midowga Yurub iyo Britain ayaa hambalyo taas la mid ah u diray Maxamed Xuseen Rooble Ra’iiusl Wasaaraha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -