Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo Dubai kula kulmay dhigiisa Shiikh Mohamed Bin Zayed

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho aan la sii shaacin ku jooga caasimadda dalka Imaaraadka ee Abu Dhabi ayaa la kulmay dhigiisa dalkaasi,  Sheikh Mohamed Bin Zayed Al Nahyaan.

Labada Madaxweyne waxay ka wada hadleen Xiriirka labada Waddan, Horumarinta dhinacyada kala duwan ee Iskaashiga Khaaska,  Dadaalka Dhaqaalaha, Nabadda iyo Deganaanshaha dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Al Nahyan waxa uu dhigiisa Somalia ku qaabilay Carwada iyo Shirweynaha Difaaca Caalamiga ee INDEX 2022 oo haatan ka socota Xarunta Abu Dhabi ee Bandhigyada).

Dhanka kale, Madaxweynaha dalka Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohamed Bin Zayed Al Nahyaan waxa uu ballan qaaday inay Somalia ka taageeri doonaan wax kasta oo ay dani ugu jirto Shacabka Soomaaliyeed si ay u gaaraan Hankooda ku aadan Nabadda, Horumarka iyo Barwaaqada.

Dhanka kale, Inta uu Madaxweyne Xasan Sheekh booqanayo dalka Imaaraadka Carabta waxa uu ka qeyb geli doonaa Daawashada Carwada Caalamiga ee Milliteriga ee INDEX and NAVDEX 2023 oo maanta maalinteeda Saddexaad ka socota Xarunta  Abu Dhabi National Exhibition Centre ee magaalladda Abu Dhabi.

Bandhiga Carwada Milliteri ee INDEX  and NAVDEX 2023, waxaa  ka qeyb galaya 1,112 Shirkadood oo ka kala socda 59 Dowladood, in ka badan 77 Wasiirada Difaaca,  79 Khubaro Milliteri, Taliyayaal iyo Wafuud Milliteri oo ka kala socda 82 Waddan iyo in ka badan 140 Shirkado oo ka dhisan Imaaraadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sanduuqa dhismaha Nabadda Soomaaliya oo lagu bixinayo 30-Milyan oo Dollar

Cabdi Cade

Jen. Aadan Laba-Afle iyo ciidan uu horkacayo oo gaaray Bulacle iyo qorshaha socda (Sawirro)

Caydiid Ali

Haweeney Soomaali ah oo doorasho kaga guuleysatay ganacsade Maraykan ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---