Jen. Aadan Laba-Afle iyo ciidan uu horkacayo oo gaaray Bulacle iyo qorshaha socda (Sawirro)

Ciidamo isugu jira xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka oo maanta dhowr deegaan ku weeraray Al-shabaab ayaa galabta gaaray deegaanka Bulacle oo u dhow deegaanka Ceel-lahelay oo isna shalay laga saaray Al-shabaab.

Ciidankaan waxaa hoggaaminaya saraakiil ka tirsan xoogga dalka oo Jeneraal Aadan Laba-Afle uu hoggaaminayo iyo guddooomiyaha caasimadda Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geedaqorow.

Sidoo kale waxaa galabta ciidanka furimaha uga dabategay Senator Cabdixakiin Macalin Axmed iyo guddoomiyaha gobolka Galgaduud Cilmi Cali Ganey.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidankaan ayaa Warbaahinta u sheegay inay ku jiraan howlgal saf-balaaran ah oo socon doona deegaanka Ceelgaras ilaa degmada Ceelbuur ee bariga gobolka Galgaduud.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa guluf dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab ka wada qeybo ka mid ah degaanada Galmudug, kuwaasoo qabsaday degaano badan halka kuwo kalena ay ku sii jeedaan.

  

- Advertisement -