Allbanaadir.com
NEWS

Weerar qarax ku bilowday oo lagu qaaday guri kuyaalla magaalada Muqdisho

Weerar qarax ku bilowday ayaa goordhaw lagu qaaday guri kuyaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir , waxaana dhismaha gurigaasi ka socda dagaal toos ah.

Sida aan wararka ku helnay dabley hubeesan ayaa gudaha u galay guriga sargaalkan katirsan milatariga, waxaana rasaas laga dhax maqlayaa dhismaha guriga ay galeen raga hubeesan.

Guriga weerarka lagu qaaday oo kuyaalla goob ammaankeeda la adkeeyay ayaa la sheegay in ay yaaleen dhaawacyada rag macawuusley ah oo kusoo dhaawacmay dagaalkii looga soo horjeeday Al Shabaab ee ka dhacay gobolka Hiiraan.

Ciidamo katirsan dowladda gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa gaaray dhismaha weerarka lagu qaaday , waxa ayna ciidamada isku dayayaan in weerarka soo afjaraan.

Waxii warar ee soo kordha kala soco wararkaya dambe insha allah

Related posts

Haweeney lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Xubno katirsan Al Shabaab oo ku dhintay qarax la sheegay in ay diyaarinayeen

Cabdi Cade

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo dalbaday in Xasaanada laga qaado Labo Xildhibaan oo lagu eedeeyay Qaran dumis

admin
Taboola Ads ---