Allbanaadir.com
NEWS

Xubno katirsan Al Shabaab oo ku dhintay qarax la sheegay in ay diyaarinayeen

Sida ay baahisay Wakaalada wararka u faafisa dowlada Soomaaliya ee Sonna labo xubnood oo katirsanaa kooxda Al Shabaab ayaa ku dhintay deegaanka Tooro Toorow kadib markii ay ku qaraxday miino la sheegay in ay diyaarinayeen.

Labada ruux ee ku dhintay qaraxa  ay diyaarinayeen ayaa ku sugnaa guri kuyaala deegaanka Tooro Toorow, waxa ayna Wakaalada Sonna sheegtay in ragan qaraxyada ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan dad shacab ah.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Tooro Toorow ayaa gaaray guriga uu ka dhacay qaraxa lagu dhax diyaarinayay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaano ay dad kusoo xir xireen.

Ma ahan markii ugu horeesay xubno katirsan Al Shabaab ku dhintaan qaraxyo ay diyaarinayeen, marar badan ayeyna dhacday in xubno katirsan Al Shabaab ku geeriyoodaan qaraxyo ay diyaarinayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Geela Somaliland oo Tartan aan horey loo arag loo qabanayo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Joe Biden oo laga helay COVID-19 iyo faahfaahin laga bixiyey xaaladiisa Caafimaad

Caydiid Ali

Dahab laga helay buuraha Waqooyiga gobolka Sanaag (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---