Xeer ilaaliyaha Qaranka oo dalbaday in Xasaanada laga qaado Labo Xildhibaan oo lagu eedeeyay Qaran dumis

Xeer-ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Dr Axmed Cali Daahir oo goordhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku eedeesan in ay yihiin Qaran Dumis.

Waxa uu ka codsaday Xeer Ilaaliyaha Qaranka in Xasaanada ka qaadaan Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya labo Xildhibaan oo katirsan golaha Shacabka oo ku eedeesan in Qaran Dumis yihiin.

Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay Xildhibaanada kala ah Xasan Macalin Maxamuud Gudoomiyaha Xisbiga Daljir iyo Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye in dalka ka galeyn dambi qaran dumis ah loona baahan yahay in baaritaan lagu sameeyo.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka  ayaa sheegay in Guddoonka Golaha Shacabka u gudbiyeen warqad ay kaga dalbanayaan in Xasaanadda laga qaado Labada xildhibaan si ay u guda galaan baaritaankooda ku aadan dambiyada ay ku eedeesan yihiin.

Dalabkan kasoo yeeray Xeer Ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya ayaan la ogeyn sida uu hirgali doono, waxaana arintan kusoo aadeysa xili Xildhibaano kale oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ku howlan yihiin duminta dowlada uu hogaamiyo Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -