Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad weyn oo dhul beereed u ballanqaaday Ninkii dhaawacay Salman Rushdie

Jamhuuriyadda Islaamka ee Iran ayaa ku dhawaaqday inay Hadi Madar ku Abaalmarin doonaan dhul-beereed ku fadhiya 1,000 meter oo isku wareeg ah (1,000 square meters of farmland) iyo Bacriminta Beeraha.

Maxamed Ismaaciil Zarei oo ah Madaxa Xoghaynta Fadwada uu Hoggaamiyihii hore ee Iran, Aayatullaahi Khomnei ka soo saaray Qoraaga Salman Rushdie ayaa xusay inay Hadi Madar guddoonsiin doonaan Abaalmarintaasi, kadib, markii uu dhaawacay Qoraagaasi.

Salman Rushdie oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Hindiya, balse haysta Dhalashada Britishka waxaa bishii August ee sanadkii hore weerar Tooreey ku dhaawacay Hadi Madar oo ah Muwaadin Maraykan ah.

Qoraa Rushdie waxa laga dooxay Luqunta iyo Caloosha, xilli uu cashar ka jeedinayey New York, wuxuuna ku waayey hal il yo hal gacan oo aan dhaqdhaqaaq lahayn.

Si kastaba, Qoraaga Salman Rushdie oo sanadkii 1988-dii qoray Buug uu ugu gefay Diinta Islaamka ayaa waxa Madaxiisa la dul dhigay Abaalmarin uu ku dhawaaqay Hoggaamiyihii Ruuxiga ee Jamhuuriyada Islaamka ee Iran, Aayatullaahi Khomnei bishii February 14-dii ee sanadkii 1989-kii.

W/Q Ustaad Nuradin

Related posts

Madaxweyne Deni oo dowlada Somalia ku eedeeyey iney dagaal hurinayso

Caydiid Ali

Dugsiga Amiin Quran Online oo ah dugsi qurbajoogtu aad uga faa’idayseen oo qaadanaya arday cusub bishan!

Cabdi Cade

Qarax lala eegtay Kolonyo gelbineysay taliyaha ciidanka Dhulka DF Jen. Biixi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---