Dowladda oo Shaacisay in howlgal lagu dilay in ka badan 40 xubnood oo katirsan Al Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay In ka badan 42 xubnood oo katirsan Al Shabaab lagu dilay howlgal qorshaysan oo Ciidanka Qaranka, Geesiyaasha dadka deegaanka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka sameeyeen deegaanka Cadalay oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkaan oo socday in ka badan 30 saacadood ayaa waxaa lagu beegsaday horjoogayaal iyo dagaalyahano katirsan oo isku abaabulayay deegaankaan.

27-ka mid ah meeshiyaadka la laayay waxaa xalay lagu dilay hal goob, halka 15 kalana maanta lagu dilay goob kale oo ay godad ka qoteen oo ku taala isla deegaankaan Cadalay sida dowladda sheegtay.

Ciidanka Qaranka iyo ciidamada dadka deegaanka ayaa la wareegay deegaanka Cadalay, waxaana gacanta lagu dhigay Hubkii ay lahaayeen Al Shabaab iyo Saanad ciidan.

Howlgalkaan ayaa daba socday howlgal maalmo ka hor ka dhacay deegaannada Iji iyo Afcad kuwaasi oo lagu laayay xubno badan oo katirsan Al Shabaab.

 

- Advertisement -