Turkiga oo loogu deeqayo guryo KMG ah oo la dejinayo dadkii ku guryo waayay Dhul-gariirka

Qaar kamid ah dadkii ka badbaaday dhul-gariirkii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay dalka Turkiga ayaa xilligan wajahaya guryo la’aan, waxa ayna dadkaasi qaarkood ku sugan yihiin xeryo iyo goobo kale oo dowladda dejisay.

Isbahaysiga gaashaanbuurta NATO ayaa shaaciyay in ay ugu deeqayaan guryo KMG ah oo la dejiyo qaar kamid ah dadkii ka badnaaday dhul-gariirkii ku dhuftay qeybo kamid ah dalka Turkiga .

War kasoo baxay taliska Isbahaysiga NATO ayaa lagu sheegay in markab ganacsi oo lagu soo raray 600 Kontaynaro guryo ka sameesan oo loogu tala galay in lagu caawiyo dadkii guryahooda ku bur bureen dhul-gariirkii dhacay.

NATO ayaa sheegtay inay in ka badan 1,000 Kontaynar la qorsheeyay in ay u diraan dalka Türkiga, si ay guryo KMG ah ugu noqdaan ugu yaraan 4,000 oo qof oo ku hoy beelay dhul-gariirkii 2 Isbuuc ka hor ka dhacay K/bari ee dalka Turkiga.

Dhul-gariirka ka dhacay gobolo katirsan dalka Turkiga waxaa ay waxyeelo kasoo gaaray malaayiin qof, waxaana socda dedaalo dadka waxyeelada daran kasoo gaartay dhul-gariirka lagu caawinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -