Gabar ninkii ay Jecleyd ku dhax guursatay Isbitaal iyo Sababta keentay (Daawo Sawirada)

Warbaahinta caalamka ayaa aad u hadal heysa aroos lamaane is jecel ku dhigteen gudaha isbitaal kuyaala magaalada Kirundo ee waqooyiga dalka Burundi, kadib markii lamaanahan midkood galay shil kahor xiligii guurkooda loo qorsheeyay.

Lamaanahan oo horey u qorsheestay in bishan dhaxdeeda arooskoodu dhaco ayaa 30-kii June ee bishii tagtay waxaa shil mooto galay Gabin Ndayizigiye , waxaana ninkan la dhigay isbitaal si looga daweeyo dhaawacyo culus oo qeybta hoose kasoo gaaray.

Gabadha guurka ku balameen ninkan dhalinyarada ah oo lagu magacaabo Charlotte Mukantwari, ayaa isbitaalka la gashay saaxiibkeyd si ay ula socoto xaaladiisa, waxa ayna ugu dambeyn lamaanahan go’aansadeen in guurkoodu ka dhax dhaco isbitaalka.

Gudaha Isbitaalka ayaana lagu qabtay xaflad kooban oo lamaanahan isku guursanayeen, gabadha aroosada ayaana gudaha isbitaalka la timid dharka arooska iyo sidoo kale baadarigii mehrin lahaa, waxaa sidoo kale goobta joogay ehelada lamaanahan.

“Muddo badan ayaa sugayay maalintan. Dhibka ku dhacay Ndayizigiye ayaa ahaa fal sheydaan. Ma qiyaasi karo sida ay noolasheyda noqon lahayd haddii aanu arooska dhici lahayn,” ayay Mukantwari.

Gabin Ndayizigiye oo dhibaato dhanka lugaha ah kasoo gaaray shilka ayaa sheegay in uu aad ugu farxay go’aanka ay qaadatay saaxiibtiis xili aysan hubin in mar dambe lugihiisa ku istaagi doono.

Dadka degan agagaarka isbitaalka arooska uu ka dhacayay oo aad ula yaabay arooska lagu dhax qabanayay gudaha isbitaalka ayaa kusoo xoomay si ay u daawdaaan arooskan aysan nuuciisa horey u arag.

Guurkan ayaana dhacay xili wiilka arooska ah uusan kasoo kaban dhaawacii soo gaaray, waxa uuna fadhiyay xiliga meherka iyo aroosku dhacayay kursiga ay ku fadhiistaan dadka curyaanka ah ama lixaadkoodu uusan dhameyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -