Allbanaadir.com
NEWS

Xisbiga Sheekh Shariif oo kahor yimid Qorshe ay damacsan yihiin madaxda DF iyo kuwa Dowlad goboleedyada

Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay muddo kororsiga ay sameesteen maamulada qaar iyo midka madaxda dowladda qorsheenayaan.

Qoraal kasoo baxay xisbiga ayaa loogu baaqay Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada inay dhowraan sharciga, kana dheeraadaan muddo kororsi horseedi kara jahwareer iyo qalalaase siyaasadeed.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa sidoo kale sheegay in ay tuhmayaan heshiiskii siyaasadeed ee lagu gaaray Baydhabo, garwadeenkana uu ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh ee u dhaxeeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo siyaasiyiinta ku mideysnaa Midowga Musharaxiinta uu gogol xaar u yahay muddo kororsi ay damacsan yihiin hoggaanka sare ee dowladda Federaalka.

Qoraalka kasoo baxay xisbiga Himilo Qaran ayaa loogu baaqay madaxda dowladda in ay diirada saaraan shaqooyinka hortabinta leh kana fogaadaan wax kasta oo abuuri kara qalalaase siyaasadeed.

Related posts

Ciidamo uu wato Wasiirka Amiga oo xirtay Waddo Muhiim ah uu isticmaalo Farmaajo

Cabdi Cade

Gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo qoraal wadajir ah soo saaray

Cabdi Cade

Madaxweyne Laftagareen oo Taliyaha ciidanka XDS ka dhegeystay Warbixin xasaasi ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---