Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biden oo booqasho lama filaan ah ku tagay dalka Ukraine (Sawirro)

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Joe Biden ayaa booqasho lama filaan ah oon horey loo shaacin ku tagay dalka Ukraine, waxa uuna kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha dalkaasi Volodomyr Zelensky.

Joi Biden ayaana gaaray magaalada Kyiv ee caasimadda u ah Ukraine, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay oo kulamo kula qaatay madaxweynaha dalka Ukraine iyo masuuliyiin kale oo dalkaasi katirsan.

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa qoraal uu soo saaray kusoo dhaweeyay booqashada uu madaxweynaha dalka Mareykanka kusoo gaaray Kyiv, waxa uuna xusay in booqashadan muujineyso taageerada Mareykanka u hayo dalkiisa.

“Madaxweyne Biden kusoo dhawow Kyiv, booqashadaada waa inoo muhiim waa astaan muujineysa taageerada aad u heyso dhammaan reer Ukraine” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Ukraine.

Dalka Ukraine ayaa galay xaalad adag kaddib duullaankii ciidamada Ruushka ku qaadeen dalkaasi, waxa ayna Ukraine raadineysaa taageero caalami ah si ay isaga difaacaan duullaanka dowladda Ruushka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Donald Trump oo shaaciyay in uu filayo in la xiro iyo dacwadaha lagu soo oogay

Cabdi Cade

Bankiga IBS oo Muqdisho kusoo Bandhigey adeeg Cusub (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Itoobiya oo lagu qabtay hub badan oo sharci daro ah oo laga keenay Turkiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---