Madaxweyne Laftagareen oo Taliyaha ciidanka XDS ka dhegeystay Warbixin xasaasi ah

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa hoyga uu ka degan yahay Muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyeed Generaal Odowaa Yuusuf Raage.

Lafta-gareen ayaa Taliyaha ka dhegeystay Warbixin ku saabsan Amniga iyo guulaha laga gaaray la dagaalanka Al-Shabaab. Generaal Odowaa ayaa sheegay in Alshabaab khasaaro iyo jab xoogan loogu geystay howlgaladii ka socday qeybo kamid ah Gobolada Koonfur Galbeed Ciidanka Xoogana ay wadaan sidii guud ahaan dalka looga saari lahaa Alshabaab.

Waxaa uu intaas ku daray in dhowaan ay bilaabi doonaan furida wadooyinka iyo Xoreynta goobaha ay kaga harsan yihiin Al-Shabaab Degaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Taliyaha uga mahadceliyey Booqashada uu ugu yimid waxaana uu bogaadiyey Howlgalada ay wadaan Ciidanka Xooga Dalka ee Al-Shabaab looga saarayo Guud ahaan Dalka.

Kulankan ayaa yimid saacado la dib markii ciidamada xoogga dalka ay ku dileen gobolka Baay sarkaal caan ahaa oo ka tirsanaa Al-shabaab ka dib howlgal qorsheysan oo ciidamadu qaadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -