Allbanaadir.com
NEWS

Gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo qoraal wadajir ah soo saaray

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa qoraal wadajir ah ay soo saareen ku shaaciyay in dib loo dhigay furitaanka kalfadhiga labada aqal.

Maanta oo isniin ah kuna beegan 20-ka bisha April ayaa lagu waday in si wadajir ah loo furo kalfdahiga 7-aad ee Baarlamaanka labada aqal, hasa ahaatee Gudoonka ayaa shaaciyay in dib loo dhigay furitaanka kalfadhiga labada aqal.

Qoraalka ay soo saareen Gudoonka labada aqal ayey ku sheegeen  si loo ilaaliyo badqabka Xildhibaanada, senatarada, Guddoonka Labada Gole iyo Shaqaalaha Baarlamaanka ay go’aamiyeen in dib loo dhigo furitaanka kalfadhiga 7aad.

Halkan ka Akhriso Qoraalka gudoonka labada aqal

Related posts

Kalkaal Speciality Hospital oo lacag ku fulinaya Qaliinka Isku furan Haweenka

Cabdi Cade

Yaa fuliyay Duqeyntii Diyaaradeed ee lagu dilay C/xakiim Dhuqub (War Saxaafadeed)

Cabdi Cade

Somalia oo warbixin xasaasi ah ka jeedisay fadhiga Golaha amaanka ee QM

Caydiid Ali
Taboola Ads ---